DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in meelaha ugu daran ay abaartu saameysay ay yihiin deegaannada Al-Shabaab ka taliyaan

0
355

Wasiiirka wasaaradda maaliyaadda xukuumadda Soomaaliya Cilmi Maxamad Nuur ayaa sheegay in deegaannada abaarta sida daran u sameysay ay yihiin kuwa ay maamulaan kooxda Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay in dadka ku nool deegaannada ay kooxdan ka taliyaan ay u dhimanayaan macluul aad u daran islamarkaana loo diiday inay gargaar helaan.
Wasiirka maliyadda Soomaaliya ayaa hoosta ka xarriiqay in si dadkaasi loo badbaadiyo ay tahay in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.