Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ka hadlay dagaal dhawaan ka dhacay magaalada Baraawe ee caasimadda maamulka Koonfur Galbeed.
Ciidamada magaaladaasi ku dagaalamay ayaa kala ahaa kuwa ka tirsan dowlad Soomaaliya iyo daraawiishta Koonfur Galbeed.
Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay magaalada Baraawe uusan la xiriirin arrimo qabiil, balse u yahay dagaal u dhexeyay ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya.
Waxaa uu intaasi ku daray in ciidamadaasi la horgeyn doono maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xusay in cid walbo iyadu xabadda billowday ama qaladka iska lahayd inay maxkamaddu xukun ka soo saari doonto.