Wasiirka wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda dalka Soomaaliya, Daa’uud Aweys oo maanta shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay xaaladda guud ee wadanka, gaar ahaan ammaanka iyo dagaalka Al-Shabaab.
Daa’uud Aweys ayaa shirkiisa jaraa’id ku soo bandhigay guulaha laga gaaray howlgalladii u dambeeyey ee toddobaadkii la soo dhaafay ka dhacay gobollada wadanka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay guullo ka gaareen dagaalka Al-Shabaab, islamarkaana ay kula wareegeen deegaano hor leh.
Afar maamul goboleed ayuu sheegay in howlgallada laga sameeyey, kuwaas oo kala ah Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug.
Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in howlgalladaasi lagu dilay in ka badan 200 oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa uu intaasi ku daray inay xoojinayaan digniinta ka soo baxday hay’adda NISA, oo horay u shaacisay inay ka war hayso in Al-Shabaab ay ganacsatada ugu yeertay gobolka Shabeellaha Hoose, isaga oo shaaca ka qaaday in ganacsatada ay uga digayaan arrintaasi.
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo shaaca ka qaaday in la dilay 200 oo Shabaab...




