Dowladda dhexe ayaa shaacisay qorsho maanta dhaqan galaya oo hoos loogu dhigaya qiimaha burka .
Tallaabadan ayaa ujeeddada laga leeyahay ay tahay in dadweynaha laga qafiifiyo culeyska ka dhashay sare u kaca qiimaha maciishadda.
Burka oo ay wararka sheegayaan in lagu iibinaya 230 shilin ayaa lagu iibsan doonaa 100 shilin ka dib qiimo dhimis ay sameysay dowladdu.
Wasaaradda beeraha ee dalka ayaa shaacisay inay muddo afar toddobaad ah bixin doonto qayb ka mid ah qarashaadka soo saaridda burka.
Sidoo kale waxay wasaaraddu howlgelin doontaa koox kormeer ka sameysa suuqyada si loo xaqiijiyo in burka dadweynaha looga iibinaya qiimaha la jaangooyay.
Qaar ka mid ah kenyaanka ayaa arrintan soo dhaweeyay in kastoo ay sheegayaan in muddada hal bil aynan ku filnayn.
28-kii bishii hore ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda beeraha ee dalka Peter Munya uu sheegay in dowladdu ay shaacin doonto amarro meesha looga saaraya canshuurta laga qaado galleyda laga keeno dalka dibadiisa.




