DHAGEYSO:Dowladda oo soo dhistay 582 oo ah maamul dagmeed ay ka mid tahay Dhamaajaaley

0
495

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ayaa sameysay maamul dagmeed cusub oo dhan 582 si loo daboolo baahiyaha sii kordhaya ee ay shacabka u qabaan bixinta adeegyada aasaasiga ah.
Waxaa tallaabadan qaaday sii hayaha xilka wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ahna madaxa wasiirrada dalka Musalia Mudavadi.
Sida ku cad wargeyska rasmiga ee dowladda oo ku taariikhaysan 22-kii bishan , waxaa maamul dagmeedyadan ka mid ah Dhamaajaaley oo hoos tagto deegaanka Dadaab ee ismaamulka Garissa.
Tuulooyinka cusub waxaa ka mid ah Weelxaar iyo Dhaydhay oo labaduba ka tirsan Dadaab.
Sidoo kale deegaanka Koonfurta Igembe ee ismaamulka Meru ayaa magaca laga beddelay waxaana laga dhigay Maua.
Dhanka kale , wakiilkii hore ee deegaanka hoose ee Dhamaajaaley ee ismaamulka Garissa Xasan Nuur ayaa soo dhaweeyay tallaabada ay dowladdu qaadday ee dhanka maamulka ah wuxuuna xusay in arrintan uu dadaal ku bixiyay xildhibaanka Dadaab Faarax Macallin.