Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i iyo dhigiisa gaadiidka James Macharia ayaa wacad ku maray in si aan naxariis lahayn loo fulin doono amar uu shalay bixiyay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Mr. Kenyatta ayaa maanta amray in iyadoo laga billaabayo caasimadda wadanka ee Nairobi ka dibna loo gudbayo ismaamullada kale in guud ahaan Kenya laga sameeyo howlgal ballaaran oo ka dhan ah wadayaasha mootooyinka.
Madaxweynaha ayaa ku celceliyay inay jiraan shakhsiyaad si wanaagsan uga ganacsado wadidda mootada balse dhanka kale aanan marnaba loo dulqaadan karin habdhaqan xumada kuwo ka mid ah wadayaasha uu ku tilmaamay kuwo aan edeb lahayn.
Tallaabooyinka ay dowladdu qaadayso waxaa ka mid ah in mar kale si hor loo diiwaangeliyo wadayaasha dhugdhugleyda .
Madaxweynaha dalka iyo wasiirrada ayaa mas’uuliyiinta waaxdan ku boorriyay inay iska soo saaraan qaarka ka mid ah ee sumcadooda wax u dhimaya .
Tani ayaa timid ka dib markii Jimcihii la soo dhaafay waddada
Wangari maathai road ee magaalada Nairobi ay koox mootooley ah tacaddi jinsiyadeed ugu gaysteen haweeney baabuur wadday.
Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada ayaa laga dhex maqlayaa haweeneyda oo cabanaysa iyadoo kooxdu ay ku qasbayaan inay baabuurka ka soo degto.
Falkan ayaa waxaa siyaabo kala duwan u cambaareeyay kenyaanka iyo mas’uuliyiinta sar sare ee dowladda.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta oo shalay arrintan ka hadlay ayaa yiri
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Dowladda oo si adag uga hadashay habdhaqan xumada wadayaasha mootooyinka