Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in la howlgeliyay nidaamyo lagu yareynaya saameynta fatahaadaha ka dhashay roobabka culus ee wadanka ka da’aya.
Waxaa uu xusay in dowladdu ay sameyn doonto wax kasta oo ay awooddo si loo caawiyo qoysaska ay saameynta soo gaartay.
Arrintan ayuu sheegay xilli uu maanta booqday qoysas ku soo barakacay dugsiga hoose dhexe ee Valley Bridge Primary School ee xaafadda Kiamaiko ee deegaanka Mathare oo ka tirsan ismaamulka Nairobi.
Waxaa uu tilmaamay in qoysaskaasi loo qaybiyay cuntooyin iyo gargaar kale.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa hay’adaha qaramada midoobay iyo ururrada kale ee samafalka uga mahadceliyay taageeradooda xilligan adag.
Waxaa uu sidoo kale u mahadceliyay Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka iyo wakiilka haweenka ee ismaamulka Nairobi Esther Muthoni Passaris oo u gurmaday barakacayaasha.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua oo sheegay in dadka barakacay ee ku sugan dugsiyada loo wareejin doono meelo kale ayaa xusay in ismaamulka Nairobi laga sameyn doono ilaa saddex xero oo ay hooy ka dhiganayaan barakacayaasha daadadka.
Sidoo kale waxaa uu dadka deggan hareeraha webiyada iyo ilaha kale ee biyaha ku boorriyay in ay halkaasi ka guuraan isagoo si guud kenyaanka kula taliyay in ay feejignaan dheeraad ah muujiyaan oo aynan naftooda halis gelin.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa dhanka kale shaaciyay in maamulka qaabilsan dhisidda waddooyinka magaalooyinka ee KURA lagu amray inuu dib u dhis ku sameeyo ilaa 26 buundo oo ku yaalla Nairobi kuwaasi oo ay saameyn soo gaartay iyadoo howshaasina ay billaabatay.
Madaxweyne ku xigeenka dalka oo faahfaahinaya tallaabooyinka ay dowladdu wax uga qabanaysa saameynta fatahaadaha ayaa sheegay in hal bilyan oo shilin loo qoondeeyay in cuntooyin dheeraad ah loogu iibiyo dadka ku nool deegaannada oomanaha ee loo yaqaano ASALs.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in dowladdu aynan marnaba qoysaska soo barakacay u oggolaan doonin in ay dib ugu laabtaan meelaha u dhow webiyada si aynan mar kale khatar u gelin.