DHAGEYSO:Dowladda oo mootooleyda siinaysa kaar ay ku helayaan caymiska NHIF

0
471

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i ayaa sheegay in kaarka dijitaalka ah ee la siinayo wadayaasha mootooyinka ay sidoo kale u isticmaali karaan inay helaan adeegyada waaxda qaran ee caymiska caafimaadka ee NHIF.
Wasiirka ayaa warbaahinta u sheegay in dhamaan isbeddellada lagu sameynayo waaxda mootooyinka ee dalka looga gol-leeyahay in lagu wanaajiyo adeegyada ay u fidiyaan dadweynaha.
Dhanka kale waxaa uu culeys soo foodsaaray qaar ka mid ah wadayaasha mootooyinka ka dib markii dhawaan madaxweynaha wadanka Uhuru Kenyatta uu amray in guud ahaan Kenya laga sameeyo howlgal ballaaran oo lagu xaqiijinayo habdhaqanka wadayaasha dhugdhugleyda.
Laamaha ammaanka ayaa amarkii madaxweynaha ka dib gacanta ku dhigay mootooyin badan ka dib markii ganacsatadii ku shaqeysanayay lagu eedeyay inaysan soo dhameystirin dokumeentiyada muhiimka ee laga doonayo.
Tani ayaa shaqo la’aan u horseeday wadayaal badan oo ku maareynayay nolosha qoysaskooda.
Yuusuf Gaas ayaa warbixintan ku eegaya.