Dowladda dhexe ayaa gabi ahaanba mamnuucday in lagu dabaasho xeebaha dadweynaha ee guud ahaan qaybaha kala duwan ee dalka ku yaalla wixii ka dambeeyay 5:30pm galabnimo ee shalay.
Wasiirka wasaaradda macdanta iyo arrimaha badaha, Saalim Mvurya ayaa go’aankan soo saaray, isagoo sidoo kale mamnuucay dabaasha shakhsiyaadka sarkhaansan.
Waxaa uu sheegay inay jiraan koox ka kooban hay’ado kala duwan kuwaasoo ay arrimahaa quseeyaan, islamarkaana la faray inay amarkan ka dhaqangeliyaan xeebaha dalka ee Badweynta Hindiya iyo sidoo kale Harada Victoria.
Wasiirka ayaa u digay cid kasta oo amarkan aan u hoggaamsamin, isagoo sidoo kale sheegay inay saraakiisha ammaanka guda geli doonaan howlgal ka dhan ah kooxaha amarkan jabiya sidoo kalena ay hubin doonaan in doomaha badda ku jira iyo shakhsiyaadka adeegsanaya inay isticmaalayaan agabka muhiimka ah ee jaakaduhu ka mid yihiin.
Waxaa uu sidoo kale sheegay inay wasaaraddu ogtahay inay jiraan qaar ka mid dadka ka shaqeeya xeebaha kuwaasoo isticmaala maraakiib aan ammaan ahayn maadaama ay aad u badan yihiin dalxiiseyaashu.
Awaamiirtan dowladda ka soo baxday ayaa daba socota ka dib dhacdo ka dhacday xeebta Pirates ee ismaamulka Mombasa taasoo saameysay 11 qof oo isku qoys ah oo labo ka mid ah ay ku geeriyoodeen musiibadaaasi.
Shilkan oo dhacay fiidnimadii Axadda ayay qoyskaasi kuwaayeen labo ka mid ah ehelkooda oo kala ahaa hal qof oo dumar ah iyo mid rag ah, waxaana sidoo kale jira qof kale oo isna wali ku jira qaybta daryeelka degdega ah ee ICU.