Toban ka mid ah ururrada bulshada ayaa dowladda dhexe ugu baaqay inay aad uga fiirsato oo aynan ku degdegin daahfurka aqoonsiga casriga ee loo yaqaano Maisha Card oo lagu wado in la soo bandhigo 29-ka bishan Sagaalaad.
Nidaamkan ayaa kenyaanka lagu siinaya nambar loogu magacdaray Maisha Number oo ah mid shakhsi kasta si gaar ah loogu aqoonsanaya.
Waxay tani horseedaysa in muwaadiniinta hal qaab ah loo aqoonsado oo meesha laga saaro dokumeentiyada kala duwan.
Ururrada rayidka iyo arrimaha xuquuqul insaanka oo doonaya in marka ugu horreysa la sameeyo qiimeyn dhanka ilaalinta macluumaadka ah ayaa baaqa ay dowladda u direen sidatan u dhigay.