DHAGEYSO:Dowladda oo loogu baaqay in abaarta jirta ay u aqoonsato musiibo qaran

0
275

Senatarrada laga soo doortay ismaamullada xoolo dhaqatada ayaa dowladda dhexe ku boorriyay inay abaarta hadda taagan u aqoonsato inay tahay musiibo qaran.
Siyaasiyiintan oo uu hor kacayay senatarka Mandera , Cali Ibraahim Roba ayaa sheegay in dadaallada looga falcelinaya saameynta abaarta aynan ahayn kuwo kaafinaya baahida shacabka.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in haddii dowladda ay ku dhawaaqdo in abaarta ay tahay musiibo qaran in lagu wajihi karo falcelinta ku habboon.
Senatarrada ayaa sidoo kale waaxyaha aan dowliga ahayn ka codsaday inay kaalintooda ka qaataan wax ka qabashada abaarta.
Sidoo kale waxay ismaamullada ay abaarta saameysay kula taliyeen inay dib u eegis ku sameeyaan miisaaniyadooda si dadweynaha baahan cunno loogu qaybiyo.
Senatarka ismaamulka Tana River Danson Mungatana iyo dhigiisa Kilifi Stewart Madzayo ayaa baaqan u diray dowladda.

Tani ayaa imaanaysa labo maalmood un ka db markii uu madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua shaaciyay in 2 bilyan oo shilin oo dheeraad ah loo qoondeeyay falcelinta degdegga ee ka dhanka ah abaarta.
Maamulka qaran ee maareynta abaaraha ee NDMA ayaa laga soo xigtay in ugu yaraan 4.35 milyan oo ruux kuwaaso ku nool 23 ka mid ah ismaamullada dalka inay gaajo daran wajahayaan.
846,000 qof oo ku nool sagaal ismaamul oo dheeraad ah ayaa u baahan gargaar cunno.
Dowladda dhexe ayaa sheegtay in intii u dhexeysay bishii Sagalaad ee sanadkii hore ilaa bishii koowaad ee sanadkan ay howlaha gurmadka ka dhanka ah abaarta ay ku bixisay ugu yaraan 3.2 bilyan oo shilin.