Waxaa dowladda dhexe loogu baaqay inay ka shaqeyso sidii lagu soo afjari lahaa falalka burcadnimo ee isugu jiro dilalka iyo dhaca xoolaha ee saameynta ku yeeshay Waqooyiga gobolka Rift Valley.
Waxaa baaqan diray Cleophas Oseso oo ka mid ah baadariyaasha ismaamulka Nakuru.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in mar kasta la sameeyo howlgallo amni sidoo kalena ay qabsoomaan shirar dhibaatooyinkan looga arrinsanaya balse ilaa iyo hadda aan xal waara loo helin burcadnimada.
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo Waqooyiga Baringo Malak Namai ayaa dhankiisa ka hadlay howlgal amni oo halkaasi ka billowday 5-tii bishan oo socon doono muddo labo bilood ah.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo saameynta falalka burcadnimo ee Baringo awgeed , albaabada loo laabay 13 dugsiyo ah.