Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa shaaciyay in falalka burcadnimada ay khatar ku yihiin ammaanka wadanka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ciidamada amniga ay la tacaalidda kooxaha burcadda ah u adeegsan doonaan awood buuxda si looga saaro meelaha ay ku dhuumaaleystaan.
Arrintan ayuu wasiirka ka hadlay xilli uu booqday dugsiyo ku yaalla Koonfurta ismaamulka Baringo oo la xiray amni darro halkaasi saameysay awgeed.
Wasiirka ayaa sheegay in dowladda aynan u dulqaadan doonin burcadda oo lala dagaallamaya ilaa laga xaqiijinaya in xasilooni dhameystiran ay ka jirto aagaasi.
Waxaa uu sheegay in burcadda ay ku dhuumaaleysanayaan buuraha Ng’elecha iyo Korkoron.
Sidoo kale waxaa uu isku duwaha ammaanka ee gobolka Rift Valley iyo guddoomiyaasha dowladda dhexe ku matalo ismaamullada gobolkaasi ku amray inay xaqiijiyaan in sida ugu dhaqsiyaha badan dib loo furo dugsiyada xiran.
Waxaa uu Kindiki amray in laga shaqeeyo sidii ay guriyahooda ugu laaban lahaayeen qoysaska ku barakacay amni darrada.
Wasiirka arrimaha gudaha ayaa laga soo xigtay in dowladdu ay ciidamo dheeraad ah iyo hub gayn doonto waqooyiga Rift Valley si loo cirib tiro burcadda.
Kindiki ayaa xusay in burcadda lagu qaadi doono weerarro dhanka cirka iyo dhulka ah isagoo dalbaday in la joojiyo kulamada dadweynaha ee ismaamulkaasi lagu qabanaya.
Xarumaha waxbarashada ee albaabada la isugu dhuftay waxaa ka mid ah Arabal, Kapindasum, Rugus, Ngelecha ,Kasiela iyo kuwo kale.
Amni darrada ka taagan gobolka Rift Valley ayaa saameysay dowlad deegaannada kala ah Baringo, Elgeyo Marakwet, Turkana, Samburu iyo Laikipia.
Government to Deploy More Armory and Personnel in War Against Banditry. pic.twitter.com/jFCAvKcbVt
— Ministry of Interior | Kenya (@InteriorKE) January 29, 2023
The government has declared banditry as an existential threat to the future of the country, consequent to which CS @KindikiKithure has announced plans to deploy more armory and personnel to tackle the brutes roving in the North Rift. pic.twitter.com/SMw1n3BSRL
— Ministry of Interior | Kenya (@InteriorKE) January 28, 2023
CS @KindikiKithure said residents of volatile areas in the North Rift are entitled to unconditional protection against bandits, and that the government will turn to heavier weaponry to smoke the criminals out of the caves/hills of Ng’elecha and Korkoron among other hideouts. pic.twitter.com/rGGJshGLIK
— Ministry of Interior | Kenya (@InteriorKE) January 28, 2023