Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa uu inta aan la gaarin bisha 12-aad ee sanadkan dhameystiri doono qorshaha lacagaha amaahda ah lagu siinaya ganacsatada yaryar.
Arrintan ayuu sheegay xilli uu ismaamulka Kirinyaga ee gobolka bartamaha dalka uu xariga uga jaray biyo xireenka Thiba Dam.
Waxaa uu sheegay in sanduuqa Hustler Fund ay ganacsatada ka deynsan doonaan lacago ay qiimo yar oo dulsaar ah ku helayaan.
Tani ayuu hoosta ka xarriiqay inay meesha ka saari doonto caqabadda gaabadka dhaqaalaha lagu maareeyo ganacsiga.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Dowladda oo ka hor bisha Diseembar diyaarinaysa qorshaha amaahda ganacsatada