DHAGEYSO:Dowladda oo hub siin doonto guddoomiye xaafadeedyada waqooyiga dalka

0
321

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa amar ku bixiyay in la turxaan bixiyo guddoomiye xaafadeedyada ismaamullada gobolka waqooyi bari iyo ku xigeenadooda.
Waxaa uu sheegay inuu guddoomiyaasha dowladda dhexe ku matalo ismaamullada xoolo dhaqatada,taliyeyaasha booliiska iyo guddiyada ammaanka ee dowlad deegaannadan ku amray inay turxaan bixinta guda galaan.
Ujeeddada laga leeyahay qorshahan ayuu wasiirka ku sheegay in guddoomiye xaafadeedyada la hubeeyo si ay saraakiisha ammaanka garab ugu siiyaan la tacaalidda dhaca xoolaha iyo falal dambiyeedyada kale.
Barnaamijkan ayaa laga fulinaya qaybaha kale ee dalka ee ay dhacdooyinka noocani ah ku soo noqnoqdaan.
Kithure Kindki ayaa sidoo kale xoojiyay hadal uu horay u jeediyay oo ahaa in guddoomiye xaafadeedyada la siin doono ciidamo amni oo kala shaqeynaya adeegyada dowladda ee ay ka hayaan tuulooyinka.
Arrintan ayuu shaaca ka qaaday xilli uu shalay gaaray ismaamulka Wajeer.