Dowladda dhexe ayaa lacag dhan hal bilyan oo shilin u qoondeysay sidii loo wanaajin lahaa soo saaridda iyo iibinta caleenta shaaha.
Lacagtan ayaa si gaar ah loogu qarash gelin doonaa in la dhiso labo xarumood oo lagu tayeynaya caleenta shaaha ee dalka sidoo kalena lagu suuq geynaya.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Kericho hoosta ka xarriiqay in caleenta shaaha ee lagu soo saaro gudaha waddanka ay tahay mid aad looga jecel yahay daafaha kale ee caalamka.
Waxaa uu intaasi ku daray in dowladdu ay dadaal ku bixinaysa sidii loo sii wanaajin lahaa tayada caleenta shaaha si ganacsatada ay macaash wanaagsan uga helaan.
William Ruto ayaa xilli uu daahfurayay caleenta shaaha ee Chai Gold oo ay soo saartay wakaaladda horumarinta shaaha ee waddanka ee (KTDA) tilmaamay in dadaalka dowladda uu horseedi doono in la helo fursado shaqo oo badan iyo hanti.
Hoggaamiyaha dalka ayaa maamulka KTDA faray inuu hal bilyan oo shilin ku biiriyo miisaaniyadda arrinkan loogu talagalay.
Xarumaha la dhisaya ayaa laga hirgelinaya ismaamullada Kericho iyo Nairobi si ay ugu kala adeegaan Galbeedka iyo Bariga Rift Valley ee laga soo saaro caleenta shaaha.
Madaxweyne William Ruto ayaa laga soo xigtay in sanadkii 2022-kii , keliya boqolkiiba 5 ee caleenta shaaha ee laga soo saaro gudaha waddanka ay lahayd astaan lagu aqoonsan karo balse wax ka yar labo sano gudahooda dadaal la sameeyay awgeed in laga dhigay boqolkiiba 9.
Hoggaamiyaha dalka ayaa carrabka ku adkeeyay in qorshuhu uu yahay in sanadkiiba la soo saaro ilaa 5 milyan oo kiilogaraam oo caleenta shaaha ah.
Waxaa uu intaasi raaciyay in barnaamijka bacriminta uu qiimaheedu hooseeya ee lagu taageeraya beeralayda uu fududeeyay in dakhliga laga helay iibinta caleenta shaaha ee sanadkan uu gaaray 210 bilyan oo shilin.
Sanadkii hore, qiimahan ayaa ahaa 180 bilyan oo shilin halka sanadkii ka sii horreeyay ee 2022-kii , uu dakhligan noqday 140 bilyan oo shilin.
Madaxweyne William Ruto ayaa wakaaladda horumarinta shaaha ee dalka ee KTDA ka dalbaday in ay sare u qaado adeegyadeeda , in geeddisocodka nidaamyada kala duwan ay ka dhigto mid casri ah oo ay warshadaha yaryar ee soo saara caleenta shaaha ay ka caawiso tayeynta iyo suuggelinta badeecadan.