Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa shacabka iyo maalgashatada ajaaniibta ah ugu baaqay inay aad uga taxadaraan barnaamijyada maaliyadeed ee khiyaanada ku saleysan.
Xilli uu ku sugnaa magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu ayuu hoggaamiyaha labaad ee wadanka hoosta ka xarriiqay in aynan caqli gal ahayn inuu qof kaa dhaadhiciyo qorsho aad muddo kooban gudaheeda ku helaysa faa’iido dhaqaale oo labo jibbaar ah iyadoo aadan sameyn maalgashi caadi ah.
Waxaa uu sheegay in dowladdu aynan soo saari karin xeer arrinkan lagula tacaalaya balse ay wadaysa baaqyada iyo digniinnada joogtada ah ee ay kenyaanka u diraysa.