Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa digniin adag u diray hoggaamiyaal uu sheegay inay hadda xilal hayaan iyo kuwo hore oo isku dayaya inay dhallinyaro abaabulaan si ay ugu biiraan kooxaha gaysta falalka amni darro ee lagu mamnuucay gudaha wadanka sida Mungiki.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dowladda dhexe ay iskuday waliba oo noocani ah uga hor tagaysa qaabka ugu adag ee ku habboon.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu ku sugnaa ismaamulka Embu.
Kindiki ayaa dhanka kale sheegay in iyadoo Khamiista loo dabbaal degi doono xuska qaran ee Madaraka Day in keliya aynan khatar ahayn balse ay sidoo kale mas’uuliyad darro tahay in laga hadlo gooni u goosad ay ku hanjabeen mucaaradka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in Kenya ay tahay qaran mideysan oo aan la kala qaybin karin.
Digniinta ka dhanka ah abaabulka kooxaha sida Mungiki waxaa sidoo kale jeediyay madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua.




