Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in aagga magaalada Sondu ee xadka ismaamullada Kericho iyo Kisumu la geeyay ciidamada fuliya howlgallada gaarka ah.
Waxaa uu xusay in saraakiishan loo xil saaray inay dejiyaan xiisad halkaasi ka taagan oo ay dad ku dhinteen sidoo kalena hanti lagu burburiyay.
Kindiki ayaa bayaan ku xusay in xaaladda amni ee magaaladaasi ay kormeeri doonaan kooxaha ammaanka ee gobollada Nyanza iyo Rift Valley.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in saraakiishan amar lagu siiyay inay si degdeg ah u soo celiyaan xaaladii caadiga ahayd ee Sondu.
Ciidamadan ayaa sidoo kale lagu amray inay gacanta ku soo dhigaan shakhsiyaadka waxyeellada gaarsiiyay shacabka iyo hantidooda.
Wasiirka ayaa cid kasta oo falalkan ku lug leh u sheegay in lala xisaabtamaya oo laga qaadi doono tallaabo sharci ah.
Sidoo kale waxaa uu wasiirku sheegay in la go’aansaday in halkaasi laga wareejiyo saraakiisha ammaanka iyo shaqaalaha dowladda ee ka howlgalayay.
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo baxday eedeyn ah in qaar ka mid ah ciidamada ay eexasho sameeyeen.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay dhimashada 6 qof halka sagaal kale oo dhaawacmay lala tacaalaya xaaladooda caafimaad.
Dadweynaha ku nool magaalada Sondu ayaa dhankooda madaxweynaha dalka William Ruto oo lagu wado inuu socdaal ku tago gobolka Nyanza ugu baaqay inuu xal u helo dhibaatada amni darro ee halkaasi saameysay.
Qaar ka mid ah shacabka Sondu ee ay waxyeelladu ka soo gaartay isku dhacyada ayaa dareenkooda warbaahinta la wadaagay.




