Dowladda dhexe ayaa billowday hannaan aqoonsiga wadanka lagu siinaya xubnaha qowmiyadda Pemba ee gobolka Xeebta.
In ka badan 7,000 oo qof ayaa ka faa’iidaysan doono diiwaangelintan.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa horay qowmiyadda Pemba ugu aqoonsaday inay ka mid tahay bulshooyinka kenyaanka ah.
Xoghayaha joogtada ah ee waaxda socdaalka iyo adeegyada rayidka Julius Bitok ayaa sheegay in ugu dambeyn laga dhabeeyay codsi ay bulshadan sanado badan gudbinaysay.
Waxaa uu intaasi ku daray in diiwaangelintan ay tahay mid lagu soo afjaraya takoor sanado badan jiray.
Qowmiyadda Pemba ayaa hadda ah qabiilka 47-aad ee ku nool gudaha wadanka.




