DHAGEYSO:Dowladda oo adkeynaysa amniga Transmara iyo Kuria

0
266

Waxaa xadka ay wadaagaan deegaannada Transmara iyo Kuria la geeyay ciidamo amni oo dheeraad ah oo ka kala tirsan waaxyo kala duwan.
Saraakiisha ayaa halkaasi laga howlgelinaya si ay ula tacaalaan iskudhacyo beeleed ay saameyn ka dhalatay.
Waxaa arrinkan warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha saldhigga booliiska ee Koonfurta Transmara ,Charles Opondo.
Opondo ayaa bulshada ku borriyay inay saraakiisha ammaanka ku soo wargeliyaan dhacdooyinka wax u dhimaya xasiloonida.
Dadka deegaanka ayaa dhankooda doonaya in wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki uu aaggaasi tago si deegaannadaasi loo xasiliyo.