Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in dowladda dhexe ay lacag dhan 4 bilyan oo shilin u qoondeysay beeralayda soo saaro qaxwada.
Waxaa uu xusay inay jiraan macaamiil diyaar u ah inay iibsadaan qaxwada lagu soo saaro gudaha wadanka.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Nyeri ayuu madaxweyne ku xigeenka dalka sheegay inay wada hadallo u socdaan madaxweynaha dalka William Ruto , isaga iyo safiirka Maraykanka ee Kenya Meg Whitman si shirkadda laga leeyahay Maraykanka ee Starbucks ay qaxwada toos uga iibsato Kenya.
Waxaa uu sheegay in badeecadan horay loo iibgeyn jiray Yurub sidoo kalena la doonayo in meesha laga saaro dallaaleyda si beeralayda ay si toos ah ugu helaan lacagahooda.