DHAGEYSO:Dowladda oo 14 ismaamul ku soo celinaysa booliiska keydka

0
291

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Prof. Kithure Kindiki oo socdaal ku tagay aagga Kerio Valley oo dhawaan lagu dilay labo carruur ah ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay xoojinta amniga dalka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dib loo soo celin doono saraakiishi booliiska keydka ee loo yaqaano NPR ee ka howlgalayay 14 ismaamul oo ay ku badan yihiin falalka burcadnimada.
Waxaa uu wasiirku amray in saraakiishan la hubeeyo si ay wax uga qabtaan burcadnimada.
Sidoo kale waxaa uu hoosta ka xarriiqay in la sii wadaya qorshaha ay dowladda dhexe hub ku siinaysa guddoomiye xaafadeedyada .