DHAGEYSO:Dowladda ismaamulka Nairobi oo guddi u saareysa gaadiidka mootada

0
408

Barasaabka ismaamulka Nairobi Ann Kananu Mwenda ayaa wadayaasha mootooyinka ugu baaqday inay raacaan nidaamyo loo dejiyay oo qayb ka ah dib u habeynta gaadiidkan.
Kulan ay la qaadatay madaxda mootooleyda ee Nairobi ayay Kananu ka sheegtay inaan marnaba la oggolaan doonin in qaar ka mid ah wadayaasha dhugdhugleyda ay gaystaan falal dambiyeedyo.
Waxay hoosta ka xarriiqday in wadayaasha la siin doono labis gaar ah oo lagu aqoonsanayo deegaan baarlamaneedka ay ka howlgalaan.
Kananu ayaa intaasi ku dartay inuu jiro guddi gaar ah oo loo xilsaaray inuu wadatashi la sameeyo mootooleyda si uu warbixin toddobaadla ah u soo gudbiyo.