DHAGEYSO:Dowladda ismaamulka Kisii oo aan bixin doonin 1.2 bilyan oo lagu leeyahay

0
304

Barasaabka ismaamulka Kisii Simba Arati ayaa sheegay in maamulkiisa uunan bixin doonin lacag dhan 1.2 bilyan oo shilin oo ka maqan qandaraaslayaal fuliyay mashaariic horumarineed.
Waxaa uu go’aankan u aaneeyay in mashaariicdan aan loo qaban sidii lagu heshiiyay.
Arrintan ayuu shaaca ka qaaday xilli uu guddoomay warbixin uu soo saaray guddi baaritaano dabagal ah ku sameynayay deymaha lagu leeyahay dowladda hoose ee Kisii.
Waxaa warbixinta ku xusan in qandaraaslayaasha qaar ay saxiixeen dokumeentiyo muujinaya inay ku guulaysteen hirgelinta mashaariicda loo igmaday in kastoo baaritaannada lagu ogaaday in qaar ka mid ah barnaamijyadan aan la dhameystirin.
Barasaabka Kisii ayaa sheegay in qofkii sidii laga doonayay u fuliyay mashruuc horumarineed uu lacagtiisa heli doono.