DHAGEYSO:Dowladda hoose ee Garissa oo leesimada kala laabanaysa ganacsatada dadka ku qaaliyeynaya raashiinka

0
161

Bishaar Axmad Dhaqane ayaa qodobkan faahfaahinaya.

Tan iyo markii ay sii ballaaratay saameynta daadadka wadanka ku dhuftay oo ay ka mid tahay waddooyinka xirmay ayaa waxaa sare u kacay qiimaha cuntooyinka .
Waxaa sidoo kale dhibaatadan ka hadlay oo dowladda inay qaaddo tallaabo ganacsatadan ka dhan ah ku baaqay guddoomiyaha nabadgalyada ee xaafadda Iftiin ee Garissa Cumar Cabdullahi.

Sidoo kale waxaa arrinkan baaq ka soo saaray guddoomiyaha dalladda hoggaamiyaasha muslimiinta dalka ee NAMLEF laanteeda ismaamulka Garissa Sheekh Xasan Cabdullahi Camey.