DHAGEYSO:Dowladda dhexe oo sheegtay inay yareyn doonto qiimaha korontada

0
321

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay inay hoos u dhigto qiimaha adeegga korontada.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu ismaamulka Nakuru ka dhagax dhigay dhismaha mashuurca soo saaridda korontada ee Menengai.
Mashruucan oo ay hirgelintiisa ku baxaysa lacag dhan 18 bilyan oo shilin ayaa la soo gabagabeyn doonaa bisha Shanaad ee sanadka 2025-ka.
Waxaa uu intaasi ku daray in maamulka Kenya Kwanza uu xoogga saaraya dardargelinta dadaallada dib loogu soo nooleynaya dhaqaalaha wadanka.
Rigathi Gachagua, madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa mar kale carrabka ku adkeeyay in baarlamaanka uu meel marin doono hindise maaliyadeedka sanadkan 2023-ka isagoo xusay in dadka laga jaraya lacagaha lagu biirinaya sanduuqa guriyeynta ay yihiin kuwa shaqeeya.