Dowladda dalka ayaa shaacisay in ku dhawaad 76 qof oo Kenyaan ah ay ku dhinteen roobabka culus ee El Nino ee ka da’aya guud ahaan wadanka kuwaasoo ay ka dhasheen daadad, dhoobo iyo musiibooyin kale.
Afhayeenka Aqalka Madaxtooyada dalka ee State House Xuseen Maxamed ayaa sheegay in Golaha Wasiirrada oo yeeshay shir degdeg ah oo uu guddoominayay madaxweynaha wadanka William Ruto ay la yimaadeen qorshayaal dhowr ah oo lagu yareynayo saameynta fatahaadaha.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo guud ahaan dalka ay ka dhaceen fatahaado sababay khasaare nafeed, barakaca qoysas badan iyo burbur hantiyeed.
38 ka mid ah 47-da ismaamul ee uu dalka ka kooban yahay ayaa la xaqiijiyay in ay ku jiraan xaalado fatahaado ah,iyo wabiyada qaarkooda oo karkaarrada jabsaday .
Golaha wasiirrada ee dalka ayaa sheegay in ay ka xun yihiin in 76 qof oo Kenyaan ah ay noloshooda ku waayaan Roobabka culus ee da’aya.
Xuseen Maxamad ayaa sidoo kale sheegay in dowladdu ay u qoondeysay lacag dhan 7 bilyan oo shilin in wax looga qabto saameynta roobabka.
Dhaqaalahan ayaa loo adeegsan doonaa falcelinta baniaadannimo sida in dadka loo qaybiyo agabka caafimaad, cuntooyin, waxyaabaha kale ee aasaasiga ee ay u baahan yihiin, dib u dhiska kaabayaasha burburay iyo dib u dejinta qoysaska barakacay.
Qeyb ka mid ah lacagahan waxaa lagu taageri doona beeralayda kuwaas oo uu si xun u saameeyay fatahaadka waxayna dowladdu qorsheynaysa inay caano uga iibsato.
Xussen Maxamad ayaa sheegay in dowladdu ay 500 oo milyan oo shilin ku wareejisay warshadda cusub ee caanaha ee KCC.
Sidoo kale waxaa uu xusay in dowladda dhexe oo kaashanaysa midda ismaamulka Wajeer ay adeeg caafimaad oo qiimo ahaan dhan 180 milyan oo shilin ay halkaasi ku gaysay diyaaradda ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta.
Waxaa kale oo uu sheegay in guddi wasiirro ah oo ku meel gaar ah loo saaray ka jawaabidda musiibooyinka oo uu guddoomiye u yahay madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua.
Tirada qoysaska ku barakacay daadadka ayaa ah 35,000 iyadoo meelaha ugu daran ee ay daadadka saameynta ku yeesheen ay ka mid yihiin gobollada Waqooyi Bari, Bariga dalka iyo Xeebta.
Dhanka kale waxay cabasho ka soo yeeraysa in ka badan 300 oo qoysas ah oo ku barakacay daadadka saameeyay ismaamullada Homa Bay iyo Kisumu.