DHAGEYSO:Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo u dabaaldagaya sanad guurada 10-aad ee wanaajinta xiriirkooda

0
561

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya imaanaya wafdi ka socda dowladda Turkiga, oo ka qeyb gelaya 10 sano guuradii ka soo wareegatay markii Turkiga uu gargaarka balaadhan u fidiyay shacabka Soomaaliyeed oo Macluul ba’an wajahayay sanadkii 2011-kii.
Wafdigaan ayaa waxaa hoggaaminaya R/Wasaaraha dalka Turkiga iyo Wasiirka Arimaha Dibada Dalkaasi,waxaana qeyb ka ah wafdiga xubno Saraakiil ciidan iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dowladda Turkiga.
Marka ay Muqdisho gaaraan ayey kormeeri doonaan Saldhiga TURKISOM Ee Tababarka Ciidamada Soomaaliyeed lagu siiyo iyo safaarada ay ku leeyihiin Degmada Cabdi Casiis ee Muqdisho.
Sidoo kale waxaa hada magaalada Muqdiso ka socota Munaasabad balaadhan oo ay ka qaybgalayaan masuuliyiin kala socda Soomaaliya iyo Turkiga.
Munaasabada ayaa lagu soo bandhigay warbixino ku saabsan waxyaanaha y dowlada Turkigu Soomaaliya u qabatay gaar ahaan dhinacyada binu aadanimada,hormarinta dhaqaalaha iyo arinta weyn ee ku saabsan dhismaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Wasiirka wasaarada gaashaandhiga dowlada Soomaaliya Xassan Xuseen Xaaji ayaa faahfaahin ka bixiyay wax qabadka Dowlada Turkiga gaar ahaan dhismaha Ciidaamda Xoogga Soomaaiyeed.

Tan iyo 2011-kii oo haatan laga joogo 10 sano dowlada urkiga ayaa taageero dhinacyo kale duwan ah waxay siinaysay Soomaaliya,waxaana Turkigu ay maamulaan xarumaha dhaqaalaha ugu badan ay Dawlada Soomaaliya Kasoo galaan sida Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan iyo Dekada weyn Ee magaalada Muqdisho.
Inta ay Munaasabadu socoto ayaa waxaa laga aqrin doonaa khudbad Qoraal ah oo madaxweynaha dalka Turkigu u soo diray shacabka iyo dowlada Soomaaliya Masuuliyiinta laba dhinac Ayaana dhamaantooda waxay sheegeen in Soomaaliya iyo Turkigu uu waligood ka dhexeeyay Xiriir soo jireen ah ilaa dowladii Cismaaniyiinta.