Wasiirka wasaarada Qorsheynta,hormarinta dhaqaalaha iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee dowlada Fedraalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xassan ayaa wuxuu Magaalada Muqdisho ka daah furay daraasad lagu ogaanayo saameynta dhaqaale ee dalka Soomaaliya uu ku yeeshay saf marka Covid-19.
Wasiir Jamaal oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in daraasaadaan lagu ogaaday inuu jiro dhaawac guud oo dhaqaalaha dalka Soomaaliya soo gaaray kaasoo ay jiraan dhinacyo si agar ah ugu nugul sida ganacsiyada yar yar iyo dadka danyarta ah.