DHAGEYSO:Dowlada Soomaaliya oo daahfurtay Barnaamij Xogaha Ganacsiga lagu kaydinayo

0
400

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumada Fedraalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka daahfurtay barnaamijka Xog-keydiyaha Ganacsiga dalka Soomaaliya.
Wasiiro iyo masuuliyiin kale oo dowlada Soomaaliya ka tirsan ayaa ka qaybgalay munaasabada lagu soo bandhigayay xog-kaydiyaha ganacsiga Soomaaliya waxayna dhamaantooda hoosta ka wada xariiqeen muhiimadiisa iyo sida uu qayb weyn uga qaadanayo xitaa arimaha la xiriira qorshaha socda ee dayn cafinta Soomaaliya.