Waaxda caafimaadka iyo faya dhowrka ee ismaamulka Garissa oo kaashanaysa culimada ayaa ku dhawaaqday nidaamyo la doonayo in la ilaaliyo xilliga munaasabadda ciidul fidriga.
Tallaabooyinka oo uu warbaahinta la wadaagay wasiirka caafimaadka ee dowlad deegaanka Garissa Rooble Nuunow waxaa ka mid ah in labada qof ee isugu dhow ay isku jiraan ugu yaraan 1.5 miitir sidoo kale in guriyaha laga soo waysa qaato.
Guddoomiyaha dalladda hoggaamiyaasha muslimiinta ee NAMLEF ee ismaamulka Garissa Sheekh Xasan Cabdullahi Cameey ayaa faahfaahinaya qodobbada lagu heshiiyay ee la doonayo in la dhaqan geliyo
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Dowlada ismaamulka Garissa oo ku dhawaaqday xeerar ku saabsan dabaal degga ciidda