Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo ku qabtay doorashada kursiga uu tirsigiisu yahay Hop#154.
Kursigaas waxaa ku guuleysatay Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdalla.
Guusha ayaa xildhibaannada raacday kadib markii ay tanaasushay musharaxii kale ee la tartamaysay Nasteexo Maxamed Yuusuf.
Sareedo ayaa heshay dhammaan codadka ergadii soo xaadirtay goobta, waxaana loo codeeyey qaab gacantaag ah.
Guddoomiye ku xigeenka guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer dowlad goboleed maamulka Koonfur Galbeed Nuurdiin Aadan Maxamad ayaa sidatan ugu dhawaaqay natiijada doorashada.
Sidoo kale waxaa dareenkeeda muujisay Xildhibaan Sareedo oo codeynta ku soo baxday.
Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal ayaa hore u go’aamiyay in dib loogu noqdo doorashada kursigan, iyaga oo sheegay in habraacii loo maray aanu waafaqsaneyn heshiiska doorashada.
Waxaa uu kursigan ka mid ahaa saddex kursi oo laga soo doortay Koonfur Galbeed oo dib loo celiyay, in kasta oo toddobaadkii hore ay FEIT fasaxday laba mid ah kuraastaas.
Xildhibaan Sareedo iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa markii hore diiday in doorashada kursigan loo maray hannaan baal marsan habraaca doorashada, iyadoo Sareedo ay sheegtay in musharraxii la tartamay uu buuxiyay shuruudaha doorashada.
Guud ahaan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo dhameystiray doorashada Xildhibaannada labada Aqal, waxaana ugu dambeeya kursiga maanta doorashadiisa la qabtay oo ay ku soo baxday Sareedo Maxamed Cabdalla.