Waxaa Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Soomaalilanda Kulan ku yeeshay Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi,Maayarka Magaalada Hargaysa C/raxmaan Maxamuud Soltelco iyo Musharraxa hadda u taagan Qabashada Xilka Maayarka Magaaladaasi C/kariim Axmed Mooge.
Waxaa ay kulankaas Xal uga Gaareen Cidda Hoggaamin doonta Magaalada Hargaysa ayadoo la eegayo daganaanshaha Magaalada iyo inaysan ka dhicin wax Khilaaf ah oo Sababo dhibaato aan hadda magaalada ka jirin.
Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maayarka Hargaysa C/raxmaan Soltelco oo Xisbiga Kulmiye ka tirsan ku qanciyay inuu isaga Haro Tartanka loogu Jiro Hoggaanka Caasimada.
Waxaa uu uga Mahadceliyay inuu soo jeedintiisa ka qaatay isagoo C/kariim Mooge oo hadda doonaya inuu Maayarka Hargayso Noqdana u Balan qaaday inuu wadashaqayn Wanaagsan ka Heli doono Maayarkii ka Horeeyay.
Maayarka Magaalada Hargaysa ee hadda Mudo Xileedkiisu dhamaadka Yahay C/raxmaan Maxamuud Soltelco ayaa u Mahadceliyay qaabka Odaynimada leh ee uu Madaxweyne Biixi arintaan u soo faragaliyay.
Waxaa uu sheegay in Siyaasad lagu kala aragti duwanaan karo oo aan wax Colaad ah jirin.
Ugu dambeyntii C/kariim Axmed Mooge oo ah Musharraxa Kali ah ee u taagan Qabashada xilka Maayarka Magaalada Hargaysa ayaa Bogaadiyay Talaabada uu Madaxweyne Biixi qaaday iyo Go’aanka Maayarkii ka Horreeyay.
Waxaa uuna Balan qaaday inuu shacabka Hargaysa si wanaagsan ugu adeegi doono.