Waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Wajeer xalay ka degtay diyaarad sidday 20 taan oo gargaar ah.
Gurmadkan ayaa isugu jiro cunto , maro kaneecooyin, daawooyinka biyaha lagu sifeeyo iyo agab kale.
Barasaabka ismaamulka Wajeer ,Axmad Cabdullahi ayaa arrinkan warbaahinta faahfaahin ka siiyay .
Wasiiradda wasaaradda adeegga dadweynaha , maamulka dowladda hoose ee Wajeer iyo barnaamijyada gaarka ah Farxiya Cabdille Macallin ayaa dhankeeda dadweynaha ugu baaqday inay isugu dul qaataan bixinta gurmadka loo fidinaya dadka ay saameeyeen daadadka .