Wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee dalka Susan Wafula Nakhumicha ayaa sheegtay in toddobaadkan ay dadweynaha ka qayb gelin doonaan caymiska cusub ee caafimaadka bulshada ee SHIF oo lagu beddelaya NHIF.
Waxay hoosta ka xarriiqday in qorshuhu uu yahay in diiwaangelinta la xiriirta nidaamkan ay billaabato 1-da bisha Saddexaad ee sanadkan.
Xilli ay ku sugnayd deegaanka Kwanza ee ismaamulka Trans Nzoia ayay carrabka ku adkeysay in caymiska cusub ee caafimaadka uu xambaarsan yahay waxyaabo badan oo faa’iido u leh bulshada.
Waxay tusaale u soo qaadatay in lacagaha bil kasta lagu bixiyo NHIF ee ah 500 oo shilin in laga dhigay 300 oo shilin.
Wasiiradda ayaa tilmaantay in cidii aan lahayn awood dhaqaale oo ay 300 boqol ku bixiso in dowladdu ay ka kafaala qaadi doonto qarashaadka caymiska caafimaadka si ay daaweyn bilaash ah u hesho.
Sidoo kale waxay xustay in la ballaariyay adeegyadii uu kaafin jiray caymiska caafimaadka iyadoo hadda lagu daaweyn doono dadka qabo xanuunnada raaga sida kansarka, macaanka iyo dhiig karka.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Diiwaangelinta caymiska cusub ee caafimaadka ee SHIF oo la billaabi doono bisha...