Shacabka ku nool magaalada Wajeer ayaa shalay dhigay mudaaharaad ay uga cabanayeen koronto la’aan ay wajahayaan.
Dadweynaha oo madaxda ay soo doorteen iyo shirkadda korontada dalka ee KPLC laanteeda Wajeer u qabtay muddo toddobaad ah oo ay ku xallinayaan caqabadda haysata ayaa dareenkooda sidan u muujiyey.
Dhanka kale Xildhibaanka galbeedka Wajeer ayaa ka hadlay dhacdo la sheegay in ciidamada ammaanka ay shalay ku toogteen wiil xilli ay socdeen dibadbaxyada ka dhanka ah shirkadda korontada ee dalka leenteeda Wajeer.