DHAGEYSO:Dib u eegis lagu sameynaya wax soo saarka beeraha

0
309

Dowladda dhexe ayaa sheegtay inay xoogga saaraysa sidii looga faa’iidaysan lahaa wax soo saarka beeraha si loo badiyo fursadaha dhaqaale ee ay heli karaan da’yarta.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xusay in maamulkiisa ay ka go’an tahay inuu beeraleyda ka caawiyo sare u qaadidda wax soo saarkooda.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladda ay meesha ka saartay canshuurta quudka xoolaha si macaash wanaagsan looga helo iibinta caanaha xoolaha.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dowladda dhexe ay iskaashatooyinka garab ku siin doonto inay si maxalli ah u soo saaraan cuntooyinka la siiyo xoolaha iyadoo la dhisaya warshad arrinkan qaabilsan oo ay ku baxaysa 400 milyan oo shilin.
Tani ayuu sheegay inay laba jibbaari doonto caanaha lagu soo saaro gudaha wadanka si Kenya ay dibadda ugu iib gayso.
Qorshaha dowladda ayuu madaxweynaha ku sheegay inuu yahay in wax soo saarka beeraha loo adeegsado in hanti loo abuuro dadweynaha sidoo kalena la ballaariyo fursadaha shaqo ee ay shacabka u baahan yihiin.

Madaxweynaha ayaa arrimahan ka sheegay ismaamulka Meru halkaasi oo uu ku daahfuray wajiga labaad ee warshadda midowga iskaashatooyinka ganacsatada caanaha ee dowlad deegaankaasi.
In ka badan 12,000 oo ganacsatadan ka mid ah ayaa madashaasi ka qayb galay.
Waxaa madaxweynaha wehelinayay wasiirka beeraha ee dalka
Mithika Linturi , dhigiisa horumarinta ganacsiyada yaryar ,Simon Chelugui , barasaabka Meru Kawira Mwangaza, guddoomiyaha ismaamulka Kiambu Kimani Wamatangi , hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kimani Ichung’wah,xildhibaano iyo qaar ka mid ah wakiillada deegaannada hoose.