DHAGEYSO:Dhul go’ saameeyay Elgeyo Marakwet

0
534

Waxaa lagu soo warramayaa in dhul go’ uu saameeyay ismaamulka Elgeyo Marakwet ee gobolka Rift Valley.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qoys ka mid ah qoysaska deggan tuulada Kokwongoi uu khasaare soo gaaray ka dib markii uu dhul go’a saameeyay beertooda oo ah hal eekar iyo bar.
Shacabka tuuladaasi oo ka tirsan deegaan baarlamaneedka Galbeedka Marakwet ayaa warbaahinta u sheegay in dhacdadan aynan horay u arag.