Waxay cabasho ka soo yeeraysa rakaabka iyo ganacsatada doonaya in ay u kala gudbaan ismaamullada Garissa iyo Nairobi gaar ahaan inta u dhexesa degmada Madogo ee Tana River iyo Garissa.
Tani ayaa timid ka dib markii ay daadad saameeyeen qaybta waddada ee aagga Kona Punda oo horay u burburtay.
Dadka ayaa adeegsanaya doomo ay ku gudbayaan tani oo culeys gaar ku ah bukaannada iyo hooyooyinka uurka leh waxayna baaq u direen dowladda.