DHAGEYSO:Dhallinyarada Elgeyo Marakwet oo aan si wayn ugu soo bixin doorashada

0
306

Shacabka ismaamulka Elgeyo Marakwet ayaa maanta dooranaya senatar ku matali doono aqalka sare oo beddelaya wasiirka gaadiidka , waddooyinka iyo howlaha guud , Kipchumba Murkomen.
Guddiga IEBC ayaa sheegaya in weli ay aad u hooseyso tirada codbixiyeyaasha ee ku sugan goobaha kala duwan.
Maareeyaha arrimaha doorashooyinka ee Elgeyo Marakwet , Charles Mutahi ayaa ka warbixiyay sida ay codeynta u socoto iyo in dhallinyarada badankoodu aynan weli codeyn.

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa xusay in marka la gaaro 5-ta galabnimo codbixiyeyaasha weli safafka ku jiri doono in loo oggolaanaya inay codkooda dhiibtaan si muddada ay uga faa’iidaystaan haddii la-calla uu dib u dhac jiray xilligii loogu tala galay in goobaha codbixinta la furo.