Ururka ay ku mideysan yihiin dhakhaatiirta dalka ee KMPDU laantiisa Waqooyiga gobolka Rift Valley ayaa dadaal ugu jira sidii ay u heli lahaayeen mushaaraad wanaagsan.
Xoghayaha ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU laanta Waqooyiga Rift Valley Dr. Darwin Ambuka ayaa sheegay in qiimaha maciishadda ay korodhay, islamarkaana ay doonayaan mushaar kordhin.
Dhakhaatiirta ayaa sidoo kale ka soo horjeestay qorshihii maaliyadeed ee uu 26-kii bishii hore qalinka ku duugay madaxweynaha dalka William Ruto.




