Ururka ay ku mideysan yihiin dhakhaatiirta dalka ee KMPDU laantiisa gobolka Rift Valley ayaa dowladda ismaamulka Nandi u qabtay muddo toddobaad ah oo ay ku dhaqangelinayso heshiis ay shan sano ka hor la saxiixatay howlwadeennada caafimaadka.
Saraakiisha ayaa ka cabanaya inay jiraan qaar ka mid ah oo shaqeynayay ugu yaraan toban sano oo aan ilaa iyo hadda la dallacsiin.
Sidoo kale waxay cabasho ka muujinayana mushaaraadka oo ka soo dib dhaca.
Waxay intaasi ku dareen in ku dhawaad 100 dhakhaatiir ah oo ka howlgalo ismaamulka Nandi aan mushaar la siin saddex bilood.
Howlwadeennada ayaa wacad ku maray in haddii toddobo cishe gudahooda aan lagu xallin tabashooyinkooda inay guda galayaan shaqo joojin.