DHAGEYSO:Dhakhaatiirta Kisumu oo maanta dibadbax sameeyay

0
360

Xubnaha ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU ee gobolka Nyanza ayaa maanta dibadbax ka sameeyay ismaamulka Kisumu.
Waxay dhaliileen go’aanka ay qaadatay dowladda hoose ee ismaamulkaasi ee lagu diiwaangelinaya dhakhaatiirta xilligan ku sugan isbitaallada dowladda.
Waxaa mudaaharaadkan hor kacayay guddoomiyaha ururka KMPDU ee gobolka Nyanza Dr. Onyango Ondonga oo wacad ku maray inay shaqo joojinta sii wadi doonaan ilaa iyo inta ay wasaaradda caafimaadka ka xallinaysa tabashooyinkooda.

Guddoomiyaha KMPDU ee Galbeedka dalka Dr. Sande Charo ayaa isna wasiiradda caafimaadka ee dalka Susan Wafula Nakhumicha ku eedeyay inay ka dhaga fureysatay cabashooyinkooda sidaasi awgeedna go’aankii ay qaateen aynan dib uga laaban doonin.

Dhakhaatiirtan ayaa shaqo joojinta ku guda jiro maalinkii 20-aad waxayna dalbanayaa in la dhaqangeliyo heshiis la saxiixday sanadkii 2017-kii kaasi oo ku saabsanaa dallacsiin iyo in la shaqaaleysiiyo ardayda soo bartay culuunta caafimaadka ee dhameystay tijaabada shaqo.
Sidoo kale waxaa maalinkii labaad shaqo joojin ku howlan dhakhaatiirta isbitaallada ka bixiya daawooyinka ee ku mideysan dalladda KUCO.