Wasiiradda wasaaradda adeegga dadweynaha iyo jinsiyadda ee dalka Aisha Jumwa ayaa daahfurtay barnaamij 50 milyan oo geedo ah oo lagu beeraya guud ahaan wadanka.
Barnaamijkan ayay wasiiradda ka billowday deegaan barlamaaneedka Yatta ee ismaamulka Machakos.
Waxaa sidoo kale arrinkan ka qayb qaadanaya waaxda qaran ee adeegga dhallinyarada ee NYS.
Wasiir Aisha ayaa kenyaanka ku boorrisay inay caado ka dhigtaan inay geedo beeraan.
Qorshaha dowladda dhexe ayaa ah in la beero 15 bilyan oo geedo ah si sanadka 2032-da baaxadda keymaha dalka loo gaarsiiyo boqolkiiba 30.
Tani ayaa qayb ka ah dadaallada looga gaashaamanaya saameynta isbeddelka ku yimaada cimillada.
Today, in keeping with the President's directive on Tree Growing and Restoration, I joined the National Tree Growing Restoration Campaign at NYS Yatta Field Unit in Machakos County. @NYS_Ke pic.twitter.com/7QGiR8xlM8
— Hon. Aisha Jumwa Katana (@CSAishaJumwa) August 18, 2023
The Service has also planted a total of 10,556 trees in its various field units and is developing a comprehensive programme on planting 10 million seedlings on 20% of its land. pic.twitter.com/cRgMycdRqq
— Hon. Aisha Jumwa Katana (@CSAishaJumwa) August 18, 2023