DHAGEYSO:Danjiraha Soomaaliya ee dalka Azerbaijan oo waraaqaha aqoonsiga laga guddoomay

0
402

Danjiraha dowladda Fedraalka Soomaaliya ee dalka Turkiga Ambassador Jaamaca Caydiid iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Baku ee Caasimadda dalka Azerbaijan.
Waxaa ay halkaas kula kulmeen Madaxda Wadankaas ugu Sarreysa.
Madaxweynaha dalka Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay safiirka Soomaaliya ee dalalka Turkiga iyo Azerbaijan Ambassador Jaamac Caydiid.
Waxaa ay sidoo kale ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo iskaashiga ka dhexeeya.
Danjire Jaamaca Caydiid ayaa faahfaahin ka Bixiyay Booqashadooda Magaalada Baku iyo waxa ay kaga dhigan tahay Xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Azerbaijan.