DHAGEYSO:Daneeyayaasha waxbarashada ee Samburu oo doonaya in iskuulo hooyga leh laga hirgeliyo deegaannada miyiga ah

0
224

Daneeyaasha waxbarashada ee ismaamulka Samburu ayaa muujiyay baahida loo qabo in la sameeyo dugsiyo hooy leh oo laga hirgelinaya goobaha ay ku sugan yihiin tirada yar ee ardayda.
Waxaa ay xuseen in arrintan haddii la hirgeliyo ay xaqiijinayso in ardayda ku nool deegaananda miyiga ah ay ku sugnaadaan xarumaha waxbarashada.
Baaqa daneeyaasha waxbarashada ee dowlad deegaanka Samburu ayaa ku soo aaday iyadoo qaar ka mid ah iskuullada deegaannada hoose ee dowlad deegaankaasi ay arday aad u tiro yar u fadhiisteen imtixaannada qaran ee fasalka siddeedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee iyo midka heerka 6-aad ee dugsiga hoose dhexe ee KPSEA ee dhawaan soo gabagaboobay.