DHAGEYSO:Dadweyne dibadbaxaya oo xirtay qaybo ka mid ah waddooyinka magaalada Beledweyn

0
305

Waxaa ay xiisad ka taagan tahay magaalada Beledweyn, ka dib markii xilkii laga qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan.
Magaalada oo hadda ah mid isku socodkeeda hakad ku jiro ayaa waxaa ka socda dibadbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo xilka qaadista lagu sameeyay guddoomiyihii gobolka Hiiraan.
Waddooyinka waaweyn ee magaalada Beledweyn ayaa lagu arkaya dadweyne careysan oo qaybo ka mid magaaladaasi xirtay.
Dadka mudaaharaadaya ayaa eedeyn u jeediyay mas’uuliyiinta ugu sarreeya ee maamulka Hirshabeelle.