Shacabka deegaanka hoose ee Kwa Ndomo ee deegaan baarlamaaneedka Malindi ee ismaamulka Kilifi ayaa xiray waddada weyn ee isku xirta magaalooyinkii Malindi-Lamu.
Waxaa ay ka mudaaharaadeen dhacdo labo qof oo dadka deegaanka ka mid ahaa ay ku dhinteen shil baabuur.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in gaari si xowli ah loo kaxeynayay uu jiiray labada ruux ee dhintay oo waddada marayay.
Dibadbaxayaasha ayaa waddadaasi dhigay dhagaxaan sidoo kalena taayarro ku gubay.
Waxaa dadka mudaaharadayay ay ku dhawaaqayeen erayo ay ku doonayaan in dowladda ay waddaadaasi u sameyso kuuskuus ama waxa loo yaqaano bumps ee xakameeya xawaaraha baabuurta maadaama shilal noocaan ah dhowr mar laga soo tabiyay aagaasi.