Shacabka ku nool deegaan baarlamaneedka Lagdera ee ismaamulka Garissa oo maalmo ka hor guddiga IEBC ku ammaanay sida ay diiwaangelinta uga socoto halkaasi.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo wajiga labaad ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo soo billowday 17-kii bishii hore uu ku egyahay Axadda oo ku began 6-da bishan labaad.
Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC Wafula Chebukati ayaa horay u caddeeyay in aan la kordhin doonin muddada diiwaangelinta.
Waxaa uu kenyaanka si gaar ah dhallinyarada ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan maalmaha dhiman si ay 9-ka bisha siddeedaad ee sanadkan qayb uga noqdaan isbeddelka dhanka hoggaanka ee wadanka.
Diiwaangelinta ayaa ka socoto dhammaan 1,450 ee deegaannada hoose ee wadanka in kastoo IEBC ay walaac ka muujinaysa inaysan ku guulaysan doonin bartilmaameedsigeedi.
Dhanka kale dadweynaha Lagdera ayaa lagu boorriyay inay qaataan kaarka codeynta.
Waxaa baaqan soo saaray qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay waxgarad ka mid yihiin.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Dadweynaha Lagdera oo lagu ammaanay sida ay doorashada isugu diiwaangelinayaan